Maamul goboleedyada oo shiraya ayadoo 3 ka mid ah ay dareemayaan cadaadis

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Magalada Kismaayo halkaas oo la filayo in dhawaan uu ka furmo shir ay yeelan doonaan golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Diyaar garowga shirkaas ayaa laga dareemayaa Magalada Kismaayo,waxaana Xarunta Madaxtooyada Jubbaland iyo Wadooyinka ku dhow dhow lagu arkayaa Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya oo amaanka xaqiijinaya.

Gaadiidka qaarkood ee isticmaalaya Wadooyinka ugu muhiimsan ee Magalada Kismaayo ayaa Maanta baaritaano lagu sameynayaa waxaana inta badan ka qeyb  qaadanaya Ciidamada Daraawiishta ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hogaamiyaha maamulka jubaland Axmed Madoobe oo leh qaban qaabada kulankaan ayaa la filayaa in shirka ka dhacaya magaalada Kismaayo uu ka sheego dhibaatooyinka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Madaxda Puntland iy Koofur Galbeed ayaa dhankooda dareemaya culeesaadka kaga imaanaya dhanka doorashada, waxaana horey madaxweyne Gaas, uu kaga digay in fara gelin lagu sameeyo doorashada Puntland. Sidoo kale Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dareensan culees siyaasadeed, iyaga oo ku eedeynaya madaxda dowladda inay ka dambeeyaan abaabulka Culeeska siyaasadeed ee heysta labada maamul.

kulankan ayaa noqonaya kii seddexaad oo ay  madaxda maamul goboleedyada yeeshaan tan iyo muddadii la sameeyay golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo dhisan ku dhawaad hal sano.

Caasaimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasiamada@live.com