29.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

Dhageyso: Lafa-jebiska Maandeeq waa lagu lug-go’ayaa! W/Q: Maxamed Xaaji

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Somalia waa dal dhaca geesta fog ee Afrika, waase umad tiiyoo ay dhan kasta isku mid ka tahay, isla markaana ay leedahay jirkii iyo jooggii ay ku noqon lahayd mid ka mid ah dalalka ugu qanisan uguna nolosha wanaagsan adduunka, misna ka dooratay inay noqoto mid balanbalsan, baahan, busaaradaysan, bahdilan, bililiqo lagu hayo baadkeeda berri iyo bad intaba iyaduna is boobta.

Marka aad hadaba eegto xaalka uu maanta dalku marayo, oo aad isha ku nusto dowladnimada aannu khaladka ka fahamnay, oo aad xisaabta ku darsato kuwa la baxay Beesha Caalamka ee nagula dhex wareegaya wax u eg sheeko la oran jiray ‘’Waa Runtaa’’ waxaad ogaanaysaa inaynaan isku toostoosnayn, hadaba halkee taladu ka wareersan tahay?

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage ee hoos ka dhegeyso

- Advertisement -

Read more

Local News