Dhageyso: Maryan Mursal: Waxaan ka tuugsan doonnaa TV-yada Soomaalida

London (Caasimada Online) – Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame, ayaa dhowaanahay xanuunsanayey, waxaana jira dadaallo ay wadaaan fanaaniin Soomaali ah, oo la doonayo in lagu geeyo dalka Germany, si halkaasi loogu daweeyo.

Fanaanada hobollada Waaberi katirsan Maryan Mursal Ciise oo warbaahinta  la hadashay iyadoo kusugan magaalada London ee dalka Ingriiska ayaa waxey sheegtay inay dhexda uxiranayaan sidii loo qaadi lahaa fanaanka Cabdi Tahliil oo gar gaar caafimaad uheli lahaa.

Maryan Mursal waxay sheegtay inay fureen sanaadiiq lacago loogu yaboohayo islamarkaana ka codsanayaan dawlada Somaliya inay fiisaha ay ka bixiso dalka jarmalkana ay ukeenaan fanaanka iyadoona sheegtay in dhaqaalaha dawadiisana iyagoo fanaaniin ah isku xil saareen.

“Waxaan fariisaneynaa tv-yada Soomaalida, waxaana u tuugsan doonnaa sida loogu tuugsado masaajidada, si aan lacag ugu helno Cabdi Tahliil” ayey tiri.

Halkan hoose ka dhageyso codka Maryal Mursal

maryan-mursal

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com