Dhageyso Nicholas Kay: Xasan Sheikh & C/Weli waxay ku kala bixi doonaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo waryesi siiyey idacaada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadalay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Kay ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in uu khilaafkaasi jiro, hase yeeshee loo baahan yahay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay wada shaqeeyaan.

Kay ayaa madaxda Soomaaliya ka codsaday in ay xaliyaan madmadowga yar yar ee u dhaxeeya, taasina ay tahay waxa dalka uu u baahan yahay.

Nicholas Kay, ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac mar walba ay jirto hab fudud oo lagu xalin karo, waaxaana taas uu ku sheegay dastuurka dalka.

“Xasan Sheikh iyo Cabdi Weli waxay ku kala bixi doonaan dastuurka, waana shaqada baarlamanka in labada dhinac ay ku kala saaraan dastuurka” ayuu yiri Kay.

Halkan ka dhageyso Nicholas Kay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com