XOG cusub oo maamulka Puntland la xiriirisay dagaal beeleedyadi gobolka..

Guri-ceel (Caasimada Online) – Culumaa’udiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda Balanbale & Guriceel ayaa ku soo baxay dirirtii dhexmartay 10-ka June maleeshiyooyin hubeysan oo dhinacyadaas ka soo kala jeeda, waxaana iska horimaadyasaasi oo ka dhacay degmada Balanbale duleedkeeda ay galaafteen nolosha 11 qofood.

Waxgaradka Guriceel & Balanbale waxey ku guuleysteen in xabadda la joojiyo, maleeshiyooyinkana la kala qaado, markaa kaddibna laga wada-hadlo qasaaraha & sidii looga xaali lahaa wixii labadda dhinac kala gaaray.

Waxaa jira waxgarad Guriceel ka soo jeeda oo eeda dagaaladaasi dusha ka saaray maamulka Puntland, waxaana dadka fikradaasi qaba ka mid ah C/qaadir Saxaradiid, wuxuuna sheegay in weerarada ka dhacay Galguduud ay siyaasadi ka dambeysay, isaga oo tilmaamay in ay jiraan raadad ay ku cadahay in hubka la isku gumaaday uu ka yimid dhanka Puntland, lana soo mariyey beelo deegaanka ah.

Saxaradiid wuxuu sheegay in Puntland mar walba ay dhaqaale ku bixiso in ay colaad ka dhex huriso Gobolada dhexe, si ay dhaxasho aqoonsiga beesha caalamka.

“Waxaan ognahay in dhaqaalaha Puntland ka soo xerooda 30% (Soddon boqolkiiba) loogu talogalay kala furfurida & isku dirka beelaha walaalaha ah ee wada degan Gobolada dhexe. Waxaan u maleynayaa in Puntland mar haddii shirqooladaasi lagu fahmay in dhaqaalaha intaas la’ eg ay u weecin doonto dhinaca horumarka deegaanadooda” ayuu yiri Saxaradiid.

Saxaradiid wuxuu kaloo uu sheegay in ay ka war heleen in Puntland ay dhaqaale & hub ku bixisay colaada Galguduud, iyada oo ka dabaaqtameysa in maleeshiyooyinka qabsaday Sh/hoose ay ku garab siiyaan Barre Hiiraale dib u qabsashada Kismaayo.

“Puntland ujeedadoodu waxey tahay in ay isku diraan beelaha Balanbale & Guriceel, waxaana jirta cabsi ay ka qabto inay isku xirmaan maleeshiyooyinka qabsaday Marko (Sh/hoose) iyo maleeshiyada Col. Barre Hiiraale ee ku sugan Goobweyn” ayuu yiri Saxaradiid, wuxuuna tilmaamay in Guriceel & Balanbale beelo wada degan oo isku daaq & raas ah ay qalad tahay in la isku soofeeyo, iyada oo ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagaga hortago weerar iman doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com