Dhageyso: Prof. Gandi oo shaaciyey in ay billaabeen qorshe Muqdisho looga wareejinayo caasimadda SOOMAALIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa billaabay qorshe ay doonayaan in caasimadda Soomaaliya iyo dowladda federaalkaba laga wareejiyo magaalada Muqdisho, kadib dilkii Saado Cali Warsame.

Arrintan ayaa waxaa xaqiijiyey xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi, oo ka tirsan baarlamanka, kadib wareysi uu bixiyey oo uu kaga hadlay dilkii Saado Cali Warsame.

Gaandi waxa uu xaqiijiyey in isaga iyo xildhibaanno badan ay billaabeen ka fekeraka in magaalo kale dowladda ay u guurto, sababtuna waxa uu ku sheegay in ammaankii Muqdisho la sugi waayey.

Haddii aminigii Muqdisho la sugi waayey, waxaan go’aan ku gaarno inaan ka fekerno in magaalo kale loo raro dowladda, waayo ma ahan in dowladda ay u xayirnaato Muqdisho” ayuu yiri Gaandi oo la hadlay website laga lee yahay Puntland.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa qorshahan intiisa badan wada xildhibaannada beelaha Daarood, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo kuwa Gaandi ku reerka ah.

Gaandi waxa uu sheegay in si gaar ah loo beegsanayo dadka hadallada adag lagu yaqaan ee ka hadlay marxaladaha siyaasadeed ee dalka.

Inkasta oo Gaandi uu qiil ka dhigtay amni darrada Muqdisho, haddana qorshahan waxa uu ahaa mid muddo ay ololeenayeen sida ay Caasimada Online horey u sheegtay.

Halkan ka dhageyso Gaandi

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com