Magacyada & beelaha agaasimayaasha tirada badan ee Villa Somalia (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada waxay ku mashquulsan tahay magacaabista agaasimeyaasha Villa Somalia, laakiin arrinta yaabka badan waxay tahay inay ka maran tahay hanaankii dowladnimada ee xil-wareejinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh marna xisaabta kuma dirin in agaasimeyaasha uu magacaabay ay u baahan yihiin inay xilka kala wareegaan agaasimeyaashii ka horeeyay, waxaana ay taas ka dhigtay in jagadii ay ku magacaabnaadaan laba qof.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa magacyada agaasimayaasha tiraada badan ee Villa Somalia.

1 – Agaasimaha guud madaxtooyadda Somalia Cali Balcad, Wuxuu u dhashay Hawiye – Hiilibi Dalandoole, xilka waa loo magacaabay laakiin Agaasimahii ka horeeyay Kamaal Dahir Guuleed, oo u dhashay Hawiye, habar-Gidir, Saleebaa weli kuma wareejin xilka.

2 – Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyadda oo loo magacaabay Yuusuf Garaad Cumar, wuxuu u dhashay Hawiye, Habargidir, Ceyr, laakiin wali xilka kalama wareegin agaasimahii hore Cabdi Malik Cabdalla oo u dhashay beesha Hawiye, Xawaadle.

3 – Agaasimaha xiriirka dibadda madaxtooyada Somalia, Jamaal Baroow, wuxuu u dhashay Jareerweyne.

4 – Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda madaxtooyadda Somalia Cabdi Maxamud, wuxuu u dhashay Hawiye, Abgaal, Waceeysle.

5 – Agaasimaha Maamulka Hoowlaha guud Madaxtooyadda Somalia Ibrahim Sheekh Muxyadiin, Waa Hawiye, Abgaal, Warsengeli, xilka wali kalama wareegin Agaasimahii hore ee hoowlaha guud Maxamed Sheekh Nuur ?

6 – Agaasimaha Keeydinta dukumiintiyadda Madaxtooyadda Somalia, Xasan Khaliif, wuxuu u dhashay reer Aw Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com