Bayle oo qarka u saran inuu is-casilo & howlo laga mamnuucay (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo wareedyo ka tirsan DFS, gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa xaqiijiyay in Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya  C/raxmaan Ducaale Bayle uu qarka u saran yahay inuu is casilo.

Illo wareedka ayaa xaqiijinaaya inuu jiro isku dhac u dhexeeyo Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayle, kadib markii uu Khilaafka ka dhashay Arrimo ay kamid yihiin Magacaabista Safiirada Cusub, Arrimaha Khuseeya Wasiirka oo ay faragalin ku hayaan Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir iyo waliba C/raxmaan Bayle oo laga mamnuucay inuu saxiixo warqadaha khuseeyo Dowladaha Caalamka.

Illo wareedka ayaa Tibaaxayo in Xassan Sheekh uu C/raxmaan Ducaale Bayle ku wargaliyay inuusan qaadi Karin talaabo aan lala socon, waxaana la Tilmaamayaa in Bayle laga mamnuucay inuu saxiixo Heshiisyada Dowlada iyo iwm.

Warar hoose ayaa sidoo kale, sheegaya in Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo C/raxmaan Ducaale Bayle uu intaa kasii buuran yahay balse uusan weli soo shaac bixin, inkastoo la rumeysan yahay in Bayle uu damacsan yahay inuu iska Casilo xilkaasi maadama lagu haayo faragalin xoogan.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wasiir Faarax C/qaadir ayaa iyagu faragalin xoogan ku haayo Howlaha aan iyaga quseyn, waxa ayna inta badan Wasiiradu ka cabanayaan in Faarax C/qaadir uu la shaqeeyo wasiirada dhan, taasina ay keentay in Xassan, Bayle is fahmi waayan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com