Sawirro: Maamul cusub oo federaal ah oo maanta lagu dhisay VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online)– Munaasabad heshiiskani lagu kala saxiixanayay oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Mas’uuliyiin ka socotay gobolada Dhexe, Siyaasiyiin, iyo mas’uuliyiin ka socotay QM, Midowga Yurub,   Midowga Africa, Wasiiro ka tirsan Dowladda, Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hishiiskani oo Nuqul Na Soo Gaaray ayaa waxa uu u qornaa Sida Tan:

1. Hordhac:

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  waxay horraantii bishan Luuliyo Muqdisho ku martiqaadday wafdiyo ka kala socday Dawlad Goboledyada Galmudug, Maamulka Ximan & Xeeb, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca. Ujeeddada martiqaadka XFS u fidisay waxay ahayd in fursad loo sameeyo dadka degan gobollada Galgaduud iyo Mudug sidii ay si wadajir ah u sameysan lahaayeen maamul goboleed loo dhan yahay.

Xukuumaddu waxay u xilsaartay hoggaaminta dhismaha maamulkan guddi ka firsan Golaha Wasiirada XFS,00 kala oh:

1. Cabdullaahi Goodax Barre, WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. 2. Mustafa Sheekh Cell Dhuxulow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinfa. 3. Ducaale Adan Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare. 4. Mahad Maxamed Salaad, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga. 5.  Mahad Maxamed Salaad, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.

Kulamada ay Xukuumadda Federaalka la yeelatay dhinacyadan kor ku xusan iyo beelaha deegaanka, waxay bilowdeen 2-dii Luuliyo 2014 in si gaar  gaar ah oo  isxig-xiga kulamo la tashi ula yeelato, kuwaa oo ugu dambayn ku heshiiyay mabaadii’da asaasiga ah ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

2. Hadaba Dhinacyada kor ku xusan: • Iyadoo la garwaaqsaday, baahida loo qabo qorshe siyaasadeed oo  Lagu Gaarayo dhismaha nidaam Maamul oo  rasmi ah misana  ku saleysan rabitaanka dadka waafaqsanna Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee J.F.Soomaaliya, taasi oo ay muuqato in dadka ay u hamuun qabaan.

• Iyadoo la ayidaayo, muhiimadda ay leedahay in la dhiiri galiyo heshiis loo dhanyahay, oo horseedaya sharci iyo kala-dambeyn, bixinta adeegyada asaasiga ah iyo xoojinta maamulka heer degmo, gobol, iyo kan federaalka intaba. • Iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo, midnimada, madax-bannaanida iyo is raacsanaanta dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. • inkastoo ay lagama maarmaan tahay doorka hogaaminta XFS ee isku dubaridka hannaanka iyo geeddi socodka maamul u sameynta Goboladda Mudug iyo Gafgaduud .

3. Waxay isku af garfeen; 1. Inla dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud. 2. In dhismaha maamulka ay ka qeyb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Gobollada Mudug iyo Golgaduud. 3. In la dhiso guddi farsamo oo  ka kooban 25 xubnood kana  socda dhammaan beelaha dega gobolladaasi.

Guddigaasi farsamo waxaa lagu soo magacaabayaa toban maalmood gudahooda marka la saxiixoh heshiiskaan. 4. Maamulka la dhisayo isagoo matalaya dhammaan beelaha dega labadaas gobol wuxuu u hawlgalayaa si wadajir ah in loola wada dadagaalamo nabad-diidka goboladaasina lagu soo dabaalo nabad iyo xasilooni. 5 Geeddi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhameystirayaa muddo ku siman 60 maalmood, waxaana fududeynaya XFS, 6. In la qabto shirweyne ay u dhan yihiin dhammaan beelaha degan gobolada Mudug iyo Galgaduud si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaasi  gobol. 7. XFS ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta iyo taabagelinta heshiiskan,siinayana wixii tasiilaad ah. 8. Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa soo diyaarinaya XFS ,islamarkaana ku soo celinaya celinaya saxiixayaasha. 9. ciddii carqaladeysa hannaanka geeddi socodkaan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade iyadoo lago qaadayo tallaabada ku habboon. 10.Heshiiskaan wuxuu dhaqan galayaa lago billaabo maalinta la saxiixo. 11.Heshiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Dowlad Goboledka Galmudug, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca, Maamulka Ximan& Xeeb, iyo 4 xubnood oo Golaha Wasiirrada ee ka soo jeeda Gobolladaas.

Sexiixayaashu waxay dhammaantood saxiixooda ku caddeynayaan waafaqsanaanta dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo loo dhanyahay.

4. Magacyada Sexiixayaasha waa kuwan:

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

D/GOb~Je~~ ——–~ Maamulka Alsunna Wal ~:~-~– Maamulka Ximan & Xeeb

Sheekh Ibraahim Shekh Xasan Guureeye

Cabdullaahi Maxamed Cali (Baarleex)

Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow

Ducaale Aadam Maxamed

Axmed Cali Salaad (Taako)

Mahad Axmed  Salaad

Dammaanad-qaade: Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodox Barre

Goobjoog

Safiir Michele Cervone Ergeyga Gaarka ah ee Midowgo Yurub

Sefiir Muhemmed Affey Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD

Sefiir Nicholes Key Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramoda Midoobay

Merwo Lydie Wenyoto Mutende Sii hayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika.

DAAWO SAWIRADDA

k kk kkk kkkkk kkkkkk kkkkkkk kkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkkkk kkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkk

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com