Dhageyso: Puntland oo qiil yaab leh u yeeshay safarka Biixi ee Sool “Wuxuu xirnaa jaakad bir ah, mana….”

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa jawaab yaab leh ka bixiyey socdaalka uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tegay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana jawaabta Puntland ka muuqata inay wax ka qaban weysay socdaalka biixi.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland Cabdiraxman Abuubakar Geelle ayaa sheegay in shacbaka ku nool magaalada Laascaanood ay ka hor-istaageen madaxweynaha Somaliland in uu galo magaaladaas, oo dibedda un uu ku ekaaday.

Waxa uu sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu xirnaa jaakad bir ah oo aysan xabadu karin, cabsi daraadeed, isla markaana shacabka magaalada laascaanood ay banaanbax kala hortageen, una diideen inuu magaalada gudaha u galo.

“Muuse Biixi jaakada xabada ayuu xirnaa, oo wuu baqayey shacabka ayaana u diiday inuu gudaha u galo Laascanod” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa weli waxa uu booqashooyin ku kala bixinayaa deegaanada Bari ee Somaliland, waxaana shalay uu tegay deegaanka Tukaraq oo ay isku hor-fadhiyaan cidamada Somaliland iyo Puntland.

Socdaalka Muuse Biixi ee Sool iyo Sanaag ayaa dad badan u arkeen mid muujinaya in labadaas gobol oo ay wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland lagu kala adkaaday, islamarkaana Somaliland ay iminka tahay awoodda gobolka.

Dhageyso hadalka Cabdiraxman Abuubakar Geelle 

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
Caasimada@live.com