Kiiska musuq-maasuqa oo xukuumadda R/W Kheyre gaarsiiyey laba dhaawac oo aysan kasoo kaban doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Maal-mihii dhowaa waxaa xukuumadda Xasan Kheyre kusoo baxay fadeexad weyn, oo ku saabsan lacag gaareysa 42 milyan oo dollar oo miisaaniyadda dowladda laga xaday muddo sanad gudihiis ah, sida ay sheegeen guddiga maaliyadda baarlamanka.

Sida guddiga uu sheegay lacagaast waxaa ka mid ah 20 milyan oo ka mid ahayd 50 milyan oo Sacuudiuga uu siiyey Soomaaliya, oo aan meel lagu sheegin.

Xukuumadda Kheyre ayaa dagaal xooggan u gashay inay masaxdo kiiskan, ayada oo kicisay xildhibaano ka mid ah guddiga maaliyadda oo ku xiran xukuumadda, islamarkaana wasiirka maaliyadda uu hor-tagay baarlamanka, si uu u beeniyo eedeymaha loo soo jeediyey.

Si kasta oo aad u eegtaba kiisan wuxuu xukuumadda Kheyre gaarsiiyey laba dhaawac oo aysan kasoo kaban doonin.

1 – Kiiskan wuxuu aad u wiiqay dagaalkii dowladda ay sheegi jirtay inay kula jirto musuq-maasuqa oo horey loogu xiray xubno hoose oo ka tirsan dowladda. Dad badan ayaa is-weydiin jiray sababta dadka la xiray ay inta badan u yihiin dad maqam hoose, oo aysan ugu jirin wasiiro ama wasiiro ku xigeeno.

Ayadoo oo ay dad badan is-weydiinayeen su’aalahaas, ayaa waxaa soo baxay kiiskan oo aad u ceebeeyey wasiirka maaliyada iyo ra’iisul wasaaraha, waxaana lacagta maqan oo aan ahayn hal ama laba milyan balse ay tahay 42 milyan ay ka dhigeysa in la aamino in dowladda aysan ka bad-qabin musuq-maasuq, dadkii la xirayna ay ahaayeen tallaabo lagu qaldayey shacabka, oo lagu qarinayey musuq-maasuqa madaxda sare.

Wixii hadda ka dambeeya way adkaan doonta in la aamino in dowladdan ay daacad ku tahay musuq-maasuqa ilaa ay ka muujiso in dagaalka ay sheegato ay qeyb ka noqdaan wasiirada lacagta badan ay ku maqan tahay.

2 – Kiiskan wuxuu fusrad u noqday xubnaha mucaaradka ku ah dowladda. Mucaaradkan ayaa waxay gaareen heer ay dowladda xitaa ku eedeeyaan haddii ay wax wanaagsan qabato, ayaga oo dhinac kale u leexinaya.

Bal ka fakar, waxa uu kiis musuq maasuq oo gaaraya 42 milyan oo dollar ula macno yahay. Waxay tani u adeegsan doonaan inay ku wiiqaan ama hoos u dhigaan tallaabo kasta oo ay dowladda qaado. Waxay mar walba shacabka u sheegi doonaan in dowladda aan la aamini karin.

Xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamanka ayuu sidoo kale kiiskan u yahay albaab ay kasoo galaan mooshin ay ka keenaan ra’iisul wasaaraha, oo hadda guuxiisa uu bilow yahay, balse u baahan in taageero badan loo helo.

Kheyre iyo xukuumaddiisa waa inay la yimaadaan caddeyn buuxda oo ka masaxda magac xumada gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com