Puntland oo kashiftay $200 milyan oo DF SOMALIA ay soo qaadatay iyo war kasoo baxay DF oo ay beenisay

Garoowe Online (Caasimada Online) – War Saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa lagu beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya lacag ugu deeqday dhismaha Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri” Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar).

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaas Midowga Yurub uu ugu deeqay, hayeeshee loo soo marsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Puntland ayaa qoraalkeeda ku shaacisay arrin aysan dad badan ka war-hayn oo ah in dowladda Qatar ay dowladda Soomaaliya siisay lacag gaareysa 200 oo milyan oo dollar.