DHAGEYSO: Puntland oo sheegtay inay maanta dib u billaabeyso dhismaha waddada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay in maanta oo axad ah ay dib loo billaabayo dhismaha waddo laami ah oo dhawaan u ka billowdey,dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Wasiirro ka tirsan Puntland iyo mas’uuliyinta gobolka ayaa galinkii dambe ee shalay booqasho ku tagay maanta halka laga dhisayo waddada.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa yiri:-

“Halka an idin kala hadlayo waa wadadii ay horay u joojiyeen oo ay diiden in la dhiso,anagana berri ayaan billaabeyna, haddii odaayasheena iyaga gacmaha nugu dhaganayaaye aysan nugu soo laaban, waan billaabeyna,”

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur ayaa dhankiisa sheegtay ciidamada Puntland inay si buuxda gacanta ugu hayaan ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Halkan ka dhageyso wasiiru dowlaha

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/11/wasiir-punt.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com