Wasiir DIINI oo u jawaabay maamulka Puntland!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyey warkii Puntland, wuxuuna sheegay inaanu hayn warbixin cad oo sheegeysa in qaar ka tirsan Ciidanka dowladda ay ka qeyb galeen dagaalka Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasto oo ay ku sugan yihiin aysan ku lug yeelan karin wax ka baxsan waajibaadkooda qaran ee ah difaaca dalka, wuxuna xusay in baaritaan lagu sameyn doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkaas iyagoo adeegsanaya magaca Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yiri: “Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo dad Soomaaliyeed ay qaarna ku naf waayeen qaarna ku dhawacmeen, waana arrin tiiraanyo leh in dad Soomaaliyeed waqtigan la joogo ay dhib isku geystaan.”

“Waxaan kale oo rabaa in aan halkaan ka sheegno in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin. Cid walba oo ku xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxana loo aqoon sanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Diini.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com