XOG: Wasiiro gaaray GAALKACYO iyo xaaladda

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, wasiirka madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga waxay durba kulamo xalay la qaateen masuuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo  Galmudug, iyaga oo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Odowaa ayaa waxaa loo xil saaray isaga wafdigii ra’iisul wasaaraha uu kaga soo tagay magaalada Garowe dhameynta xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Xubno ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in wafdiga ay kala hadleen sidii dagaalada xal looga gaari lahaa, iyadoo sidoo kalana wafdiga Galmudug ee lala kulmay ay sheegeen iney soo dhaweynayaan dhameynta dagaalada.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah iyo dhaawaca ku dhawaad 30 ruux oo dad rayid ah u badan.

Dowlada Soomaaliya ayaa waddo qorshe lagu dhameynayo xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com