Dhageyso: Qaar ka mid ah musharaxiinta Jubaland oo dalab cusub soo saaray

Kismaayo (Caasimada Online) – Musharraxiinta mucaaradka ee ka soo horjeedo madaxweyne Axmed Madoobe ayaa weli walaac ka muujinaya doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah musharraxiintaasi, islamarkaana wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa marka hore dhaliil u jeediyey maamulka Axmed Madoobe.

Ciilmooge ayaa sheegay in Jubbaland aysan ku jirin doorasho, islamarkaana maamulka hadda jira uusan yeelin sidii la rabay.

‘’Guud ahaan Jubbaland waxaa la dhihi karaa weli doorasho kuma jirto, doorasho macno leh ma muuqato maamulka sidii la rabay ma yeelin oo waa naga diiday qodobadii iyo shuruudihii uu adduunka aqoonsanaa.’’ ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka Jubbaland iyo sidii loo qaban lahaa doorasho dimoquraadi ah.

‘’Doorashada ciyaarta halaga daayo ee haloo soo noqdo xaqiiqada.’’ ayuu markale yiri Ciilmooge.

Ugu dambeyn waxa uu ka hadlay xalka, isaga oo dalbaday in waqti lagu daro doorashada, si looga wada hadlo caqabadaha jira.

‘’Waxaa xal u ah hala’is hor fariisto waqti halagu daro ee haloo yeero dowladda dhexe, beesha caalamka, IGAD iyo dariska, si ay marqaati uga noqdaan doorashada.’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey musharrax Ciilmooge.

19-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa la wagu wadaa in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, sida ay shalay shaaciyeen guddiga doorashooyinka ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Axmed Madoobe.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 
caasimada@live.com