Dhageyso: Rajada Hirgalinta Nidaamka Xisbiyada Siyaasadeed ee Somalia

Muqdisho (Caasimada online) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya proff Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ,  wuxuu sheegay in howl adag ay tahay hirgalinta Nidaamka Xisbiyada Badan ee Dalka, Kaas oo uu sheegay in Somalia 44 sano ka hor  ah ay ugu dameysay

Gudoomiye Jawaari, wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay ka hor inta aan nidaamkaas laga hirgalin dalka , in labaro shacabka Waxa uu yahay nidaamka markii ay u qancaan ka dibna la hir galiyo.

Sidoo kale Gudoomyaha Baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay Hirgalinta Doorasho Afti dadweyne ah oo ka dhacda dalka sanadka 2016-ka markii dowlada iminka jirta waqtigeeda uu dhamaado.

Shacbaka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday inay Muujiyaan Kalsooni ku aadan Golaha Barlamaanka Somalia isagoona balan qaaday inay ka dhabeyn doonaan balantii ay ka qaadeen shacabka.

Dhamaan dadka daneeya arimaha fadhiyada golahha baarlamaanka ayuu sheegay inay kala socon karaan Idaacadaha, waxaana uu tilmaamay cidii dooneysa inay golaha shacabka kala qeyb gasho Fadhiyada Baarlamaanka ay soo dhaweynayaan.

Somalia ayaa lagu wadaa inay yeelato Mustaqbalka Dhow Nidaamka Xisbiyada Badan , kaas oo ka jira dalal  badan oo Caalamka ka mid ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com