Saraakiishii u xirnaa WEERARKII SYL oo go’aan laga gaaray (Maxaa kasoo baxay baaritaanka?) !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute, oo maanta saxaafada la hadlay ayaa amray in lasii daayo saraakiil ciidan oo dowlada u xiran.

Xasan Cali Nuur, ayaa sheegay in todobo ruux oo u xirnaa weerarkii  Hotel SYL lasii deynayo kadib markii baaritaan dheer kadib wax dambe ah lagu waayay, sida uu maanta saxaafada u sheegay.

Wuxuu sheegay saraakiishaasi in baaritaano dheer kadib la ogaaday ineysan aheyn dadkii rasmi ahaan kaga dambeeyay fududeynta weerarkii ka dhacay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dib loo dhigay dhageysiga dacwada loo heysto afar kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada kuwaasi oo ku eedeysan fududeynta weerarkii SYL ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com