Xasan Shiikh oo ku wajahan Sh/hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Aqalka dalka looga arrimiyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Wafdi uu hogaaminaayo ay goordhow ku wajahan yihiin Deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha Hoose.

Madaxweyne Xassan iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in halkaasi ay kulamo kala duwan kula qaadan doonaan Maamulka, Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada ka jooga Gobolkaasi, gaar ahaan goobaha uu booqan doono.

Madaxweyne Xassan ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa cagta marin doono Xirooyinka ay ku jiraan Ciidamada Dowlada ee ku yaala Laanta Buuro iyo kuwo kale.

Ciidamo gaashaaman ayaa lagu daadiyay inta badan wadooyinka ugu mashquulka badan gobolka shabeelaha Hoose iyo wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Lama oga inta uu qaadan doono socdaalka Madaxweyne Xassan iyo Wafdigiisa, waxaana xusid mudan in bandow lagu soo rogay inta badan gobolka shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com