R/W CCC iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo + Ujeedada xasaasiga ah ee socdaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminaayo Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali sharmaarke ayaa goordhow gaaray Magaalada Kismaayo.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Xildhibaano oo ay kamid ahaayen Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista hawada dawladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac ”Jangeli”,

Wasiirka arimaha diinta iyo awqaafta Cadiqaadir Baqdaadi, Wasiirka boostada Guuleed Xuseen Qaasim, Wasiirka arimaha gudaha Abdirahmaan Odawa , iyo wasiiro kale.

Socdaalka Ra’isul wasaare Cumar iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lala xiriirinayaa inuu ku qotomo sixida qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay Mooshinka ka dhan ka ah baarlamamnka Jubaland.

Waa markii ugu horeysay ee uu Ra’isul wasaare Cumar Booqdo Magaalada Kismaayo, tan iyo intii loo magacaabay xilka Ra’isul wasaaha dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com