Dhaqaale xumada haysta DF Soomaaliya oo meel xun mareysa iyo Xasan Shiikh oo war soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo DF Somalia ay la daaladhaceyso dhaqaale xumi ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihi dhowaa waxaa haystay dhaqaale xumo baahsan, oo maraya heer aad u xun. Ciidamada dowladda ayaa wax mushahar ah qaadan dhowr bilood, taasi oo keentay inay ka baxaan furuumaha dagaalka.

Xassan Sheekh ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in ay gacan ku siiyaan Soomaliya, sidii ay usoo nooleyn lahayd kaabayasheedii dhaqaale ee uu burburka sameeyay.

“Caalamka waxaan uga baahannahay taageere dhaqaale oo xooggan” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Somalia ay ka gudubtay xilliyadii lagu garab istaagi jiray xaaladaha degdega ah, hadda waxa aynu u dhaqaaqnay buu yiri, Dowladnimo, isaga oo sheegay in Dunida ay eegeyso sida xowliga ah oo ay usoo kabaneyso Soomaaliya.

Xassan Sheekh Qorashaha Hiigsiga 2016 ayuu ku tilmaamay Barnaamij siyasadeed oo la doonayo in ay u dhaqaaqaan bulshada Soomaliyeed, balse ay iska jiraan caqabado dhankaasi ka heysta.

Madaxweynaha Somalia ayaa hadalkaan ka sheegay, Munaasabad lagu weyneynayay sanad guuradii 52-aad ee Ururka Midowga Afrika taas oo ka dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com