Dhageyso: Gaas oo weeraray xildhibaannada BF

Boosaaso(Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa wareysi uu bixiyy wuxuu si kulul kaga hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamanka ay ka gudbiyeen Jubba.

Madaxweyne C/welli Gaas oo VOA la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya ay ku mashquuleen shaqo aan tooda aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Jubbaland ay isku tashatay laakiin xildhibaanada ay doonayaan iney kala dhantaalaan, sida uu C/welli Gaas ku sheegay wareysiga uu bixiyay.

Gaas, ayaa cadeeyay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku mashquuleen shaqo aan tooda aheyn, iyada oo ay u yaalaan howlo badan oo iney wax ka qabtaan u baahan.

“Baarlamaanka horayna war ayaa madaxtooyada laga soo saaray, anna waxaan leeyahay Jubbaland waxay ugu mashquulaan waa qalad, shaqo badan oo iney qabtaan ah ayaaba u taala”ayuu yiri Gaas.

Wuxuu ugu baaqay iney qabtaan howlaha shacabka u baahan yahay, oo ay ka leexdaan kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed, sida uu sheegay Mr Gaas.

Halkan ka dhageyso wareysiga Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com