XAQIIQ aadan ogeyn: Mid Keebaa awood badan DF Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo ay muuqaneyso kala duwanaan dhanka Siyaasada ah oo u dhexeeya DF Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa hadana jiro dul-duleelo muujinaayo hoos u dhac Dowlada ka heysta dhanka la tacaamulida Dowladaha hormarsan.

Marka la’ eego xiligaani awoodaha DF iyo Maamulada dalka ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay mid uu u dhexeeyo farqi weyn taasi oo aan laqarin Karin.

Inta badan Gobolada dalka sida Koofur galbeed, Jubbooyinka iyo Puntland, Somaliland waxaa si is dabajog ah uga dega Wufuud heer caalaami ah oo aan horay usoo booqan xarumaha DF Somalia iyo Magaalada Muqdisho, waxa ayna ogolaansho la’an hiil iyo hoobala dul taagan yihiin Maamuladaasi.

Hadii aan Tusaale usoo qaadano arrintaani farqiga ayaa waxaa kamid ah DF Somalia oo aan heysan Gaadiidka daagaalka gaashaaman, Hubka tayada leh iyo dares la’aanta heysata Ciidamada, Halka Goboladu ay yihiin kuwo dhan waliba ka dhameystiran iyadoona ay xusid mudan tahay in gaadiidka ay maamuladaasi heystaan uu yahay kuwo dowladaha afrika qaarkood aysan heysan.

Marka laa eego dhanka awaamirta ayaa iyana waxaa kuu muuqaneysa in DF Somalia awaamirteeda aysan aheyn mid inta badan ka hirgasha deegaanada ay maamulaan, iyadoona inta badan ay arrintaasi kuu muujinayso heerka uu gaarsiisan yahay awoododa.

DF Somalia ayaa garwaaqsan in Maamulada ay yihiin kuwo garab ka heysta dowladaha dariska la ah Somalia sida Ethiopia, Kenya.

Sido kale, marka la’ eego dhanka dhaqaalaha ayaa mooda in Maamuladaasi aysan DF Somalia uga baahneyn wax dhaqaale ah.

Isku soo wada duub dhacdooyinkaani oo idil ayaa muujineysa in DF Somalia aysan laheyn Siyaasad mideysan oo dhan waliba leh, taasi oo cagta marineysa tan ay aaminsan yihiin Gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com