Xildhibaanada Jubbaland oo go’aan cusub kasoo saaray mowqifka BF Soomaaliya ee mooshinka!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhexeeyay Mudanayaasha Baarlaamaanka Mooshinka la ciirciirayo ee Maamulka Jubba oo ka dhacay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa looga hadlay Mooshinka horyaala BF.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha baarlamaanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, iyadoona kulankaasi diirada lagu saaray diidmada Mooshinka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ka Baarlamaan ahaan aysan diyaar u aheyn inay u dhaga nuglaadan Mooshinka lidiga ku ah Baarlamaankooda waxa uuna carabka ku dhuftay in Mowqifkooda uu yahay mid daba jooga kii hore.

Waxa uu mar kale ku celiyay in BF Somalia uu wado daan-daansi taasina Xildhibaanadu aysan u dulqaadan donin.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan dhag jalaq usiin doonin Mooshinkaasi kaliyana uu noqon doono mid kusoo idlaada fashil.

Waxa ay ku baaqen in BF Somalia looga baahan yahay inay ka taliyaan aayaha Umadda Soomaaliyeed bacdamaa ay ku nuux-nuuxsadeen in kaalintooda ay tahay horusocod.

Geesta kale, waxa ay farta ku godeen in Mooshinkaasi uu yahay mid u gaar ah tiro xildhibaano ah oo aysan kawada sineyn Baarlamaanka oo idil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com