“Jubaland waxaan tuseynaa awooda BF Somalia, mooshinkuna ma istaagi doono” Waxaa yiri…!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa ka hadlay Mooshinka xiligan horyaal BF, ee laga keenay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay in Mooshinka uu yahay mid xaq ah islamarkaana ay Maamulka Jubba ku tusayaan heerka uu awooda BF gaarsiisan yahay.

Jeesow waxa uu yiri“Mooshinka kama hari doono ilaa Baarlamaanka Somaliya uu ka ansaxiyo. Guddoonka Baarlamaanka wuxuu noo sheegay in Mooshinka uu yahay mid Sharci ah.”

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha keenay Mooshinka, ayaa yiri “Waxaa waajib ah inuu Sharciga meel maro, xitaa haddii sanad uu qaadanaayo waa waajib in sharcigu uu shaqeeyo.”

Wuxuu meesha ka saaray in iyaga ay cid gaar ah weerar ku yihiin, ha yeeshee ay muhiimaddu tahay in sharcigu uu shaqeeyo, isagoona ku goodiyay inaanay aqbali doonin in cid gaar ah isasiiso, wax ka dhaxeeya buu yiri ummada Somaliyeed.

“Anaga shaqsi, qabiil iyo koox gaar ah weerar kuma nihin muhiimadad, waa in uu shaqeeyaa sharciga, cidna ka yeeli mayno in ay isasiiso, wax ka dhaxeeya ummada Soomaaliyeed.”

Geesta kale, Mooshinkan, ayaa ka careysiiyay Hogaanka Maamulka Jubbaland, waxayna ku hanjabeen inay xiriirka u jari doonaan Dowladda Federalka, haddii Baarlamaanka Somaliya uu ansaxiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com