Dhageyso: Sheikh Maxamed Shaakir oo Fariin muhiim u diray Xildhibaanada Ahlu suna

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Maamulka Ahlu sunada Gobolada dhexe Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlayay kulan ay yeesheen Baarlamaanka Maamulka Ahlu suna ayaa sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay iney ka shaqeeyaan sugida Amniga,islamarkaana ay la shaqeeyaan Ciidamada amniga.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay iney muhiim tahay in la adkeeyo amaanka goobaha gacanta ku hayaan Ahlu suna sida magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guraceel eek a tirsan Gobolka Galgaduud,isagoo si gaar ah Xildhibaanada ugu baaqay iney xil iska saaraan sidii amniga uga shaqeyn lahaayeen.

Wuxuu sheegay Hogaamiyaha Ahlu suna inuu yahay mid la isku haleyn karo amaanka guud ee deegaanada ay Maamulaan Ahlu suna loona baahan yahay in lasii labo jibaaro.

Maamulka Ahlu suna ayaa dhaliilsan hanaanka loo maray dhismaha maamulka Galmudug oo ay taageersan tahay Dowladda Soomaaliya.