Dhageyso: VOA oo warbixin xasaasi ah ka diyaarisay kiiska Qalbi-Dhagax iyo DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacadda VOA ayaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka diyaarisay dowlada federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay wajahaysay culeysyo siyaasadeed iyo bulsho oo is xig-xigey.

Warbixinta ayaa ka hadleysa ka soo billoow dhacdadii Bariire iyo qaabkii ay dowladu uga kala hadashey dhacadaas iyo sarkaalkii ONLF ee la sheegey in ay dowladu u dhiibtey dalka Ethiopia.

Warka ku aadan dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa waxa ay dowlada ku keentey culeys iyo dhaleeceyn uga timid bulshada Soomaalida qaarkood, wax garadka iyo waliba mudanayaasha Baarlamanka.

Dawladda ayaan weli faahfaahin buuxda ka bixin qaabka u martay wareejinta sarkaalkaasi ONLF iyo sharciyada ay u codsatay. Waxaana ay arrintan ay imanaysaa iyadoo dadka qaar suโ€™aalo iska weydiinayaan sharciyadda wareejintaasi iyo inay jireen heshiisyo ka dhexeeyey labada waddan.

Warbixintan ayaa waxaa lagu wareystay aqoonyahanno badan, ooh ab sharci ah u eegaya kiiska Cabdikariim Qalbi-Dhagax iyo sida ay u wajahday dowladda, waxaana soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News