Jiddah (Caasimada online) Somalida ku nool dalka Sacuudiga ayaa waxaa xilligan soo foodsaaray shaqo la’aan baahsan kadib markii qaar kood laga soo raacdeeyay goobihii ay ka shaqeysan jireen halka qaarna ay casi darteed u shaqo tagi waayeen .
Sacuudiga ayaa dhowaan bilaabay raaf ka dhan ah Ajaaniibta dalkaas oo ay Somalidu ku jiraan waxaana ay taasi ay keentay in ajaanib badan oo dalkaasi ku noolaa inay shaqo la’aan soo wajahdo.
Ismahaan oo ka mid ah Somalida ku nool Magaalada Jiddah ee dalka Boqoqrtooyada Sacuudiga ayaa caasimada onlie u sheegtay in mudda 15 maalin ah ysah shaqo tagin .
Waxay sheegtay in markii hore ay lagactii ay shaqeyso biil uga dhigi jirtay waalidkeeda Somalia joga balse iminka shaqo la’aan soo wajahday darteed ay dantu ku qasabtay inay iyadu dalbato in lacag Somalia looga Soo diro.
Ismahaan ayaa Waxay inoo xaqiijiysay in Somaliada iyo ajaanibta kale ee dalkaas iminka ay yihiin kuwo guro joog ah waxaana ay sidoo kale shaacisay in ciidamadu ay wadaan raaf ku aadan Ajaaniibta dalkooda jooga.
Sidoo kale Istar Macalin oo aynu qadka taleefoonka kula xiriirnaya ayaa sheegtay in dhinaatooyin ay lasoo darseen Somalida Sacuudiga wixii ka dambeeyay markii dowlada dalkaas ay bilawday qab qabshada dadka ajaaniibta ah .
Inkatoo ay dowlada dalkaasi sheegtay in qodkii wakiil laga noqdo uu kusii sugnaan karo dalka ayaa hadana Istar waxay sheegtay in wakiilka qofka akaa ah uu qadanayo kala bar lacagtii bisha aad ku shaqeyso taasina aysan dan ugu jirin qofka wakiilka laga yahay .
Halkaan hoose ka dhageyso Istar Macalin
Caasimada online
Xafiiska Jiddah

