Dhageyso: Xaaf oo jawaab ka bixiyey qoraalkii dowladda

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ayaa si kulul uga hadlay Warqadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kasoo baxday ee looga hadlay doorashada Galmudug iyo mudada xilheyntiisa.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dhuusamareeb ayuu Xaaf ku sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid xur ah, islamarkaana warqadii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay tahay mid loogu xad gudbay Galmudug.

Waxa uu sheegay in Galmudug ay tahay maamul jira oo dastuurkiisa u dhisan yahay, islamarkaana cid gaar ah maamuli karin, waxaana uu eedeyn kulul u jeediyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka degaannada Galmudug in ay ilaashadaan amaankooda isaga oo dhaliilay waxqabadka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoos ka dhageyo codka madaxweyne Xaaf

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com