“Dilkii Gaalkacyo waxaa ka dambeeyey 10 askari oo DF ka amar qaata, waxayna ahayd arrin siyaasadeysan”

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ay kamid tahay Xasuuqii dhawaan Magaalada Gaalkacyo loogu geystay dad kasoo jeeday Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku tilmaamay dilkii ka dhacay Koofurta Gaalkacyo inuu ahaa mid siyaasad ay ka dambeysay isagoo sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxbaayala dhaca Galmudug, wax badan oo ka mid ahi waxaad moodaa iney siyaasadeyn yihiin, sidii Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Galkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiranyahay, inta kale military ayey ahaayeen” ayuu yiri Xaaf.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey inaysan Galmudug xaq u laheyn inay soo qabtaan Ciidamada Militariga maadaama aysan maamul ahaan hoos tagin oo ay maamusho dowladda, wuxuuna yiri

” Marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”

Dowladda Soomaaliya ayaa xasuuqii Gaalkacyo ka dhacay horey uga hadashay waxaana arrintaas saxaafadda uga waramay wasiirka warfaafinta Maareeye isaga oo yiri “ waxaa ballanqaadeynaa dowlad ahaan, anagoo kaashaneyna hey’adaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed, inagoo kaashaneynaa oday dhaqameedyada, inagoo kaashaneyna culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed  in ficilkaas baaris lagu sameeyo, oo dadkii ka dambeeyey ficiladaas cadaaladda la horkeeni-doono”.

Hadalka Xaaf kasoo yeeray ayaa ka dhigan inuu meel xun sii gaari doono xiriirka sii dabar go’ayey ee u dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulkaas oo aan muddo 2 sano ah shaqeyn.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com