Dhageyso: Xildhibaanada baarlamanka Somalia oo jawaab kulul siiyey Puntland & Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah gudiga arimaha dibada Soomaaliya ayaa ka hadlay hadaladii kasoo yeeray Somaliland & Puntland.

Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland in markii hore ay qaabileen dadka kasoo cararaya dalka Yemen, laakiin hadda ay sheegeen ineysan awoodin qaabilaada dadkaasi.

Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay iney dusha u dhigato dhamaan sidii ay u qaabili laheyd dadka kasoo cararaya dalka Yemen ee imaanaya Soomaaliya.

“Markii hore iyagaa qaabilay laakiin hadda waxay sheegeen ineysan awood u heynin, waxaan dhihi lahaa waa in Jamhuuriyada ay dusha u dhigataa sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa”ayuu yiri Dalka.

Maamulada Somaliland, Puntland iyo dalka Jabuuti ayaa waxaa gaaray qaxootigii ugu badnaa ee kasoo qaxaya dalka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com