Xildhibaanada Mooshinka wada oo kulan ka yeeshay booqashada CCC ee Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Xildhibaanada wada Mooshinka Baarlamaanka Jubba, ayaa waxaa looga hadlay booqashada Ra’isul wasaaraha dalka uu ku gaaray Magaalada Kismaayo.

Waxa ay sheegen in mowqifkooda uu yahay in dib loo soo dhiso Baarlamaanka Jubba oo ay sheegen inuu ku dhisan yahay musuq iyo nin jecleysi.

Waxa ay si wada jir ah ay meesha uga saaren in kulanka uu Ra’isul wasaare Cumar la qaadanaayo Hogaamiyaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe uusan waxba ka bedeli doonin go’aanka lagu jaan-rogaayo Baarlamaanka.

Ra’isul wasaare Cumar ayay ugu baaqen inuusan hamiga kasoo ridin Hogaamiyaha Jubba oo uusan uga sheekeyn in la hakin doono Mooshinka.

Dhanka kale, waxa ay kulankooda uga wada-hadleen xiliga uu ku ekaan doono Mooshinka ay wadaan, waxa ayna qalinka ku duugen in go’aankooda uu ku egyahay goortii ay cagta mariyaan waxa ay ugu yeeren Baarlamaanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com