Dhageyso: Xubnihii lagu soo doortay Garbahaareey oo sheegay waxa u qorsheysan kadib go’aankii baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee sheeganayey xildhibaannada federaal ayaa ka hadlay waxa u qorsheysan kadib markii gudodonka golaha shacabka uu sharciyeeyey xildhibaanadii ay kuraasta isku haysteen ee lagu soo doortay Ceelwaaq

War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay lagu sheegay in xildhibaannaadii lagu soo doortay Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharciga ah ee matali doona gobolka Gedo.

Maalimihii u dambeeyey waxaa jirey khilaaf ka taagan metelaadda gobolkaas, kaddib markii xubno kala duwan ay ku soo baxeen doorashooyin is khilaafsanaa oo ka kala dhacay Garbahaarrey iyo Ceelwaaq.

Xubnaha lagu soo doortay Garbahaarey oo muddooyinkii u danbeeyey ku sugnaa Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas aanay u hoggaansamayn islamarkaana aanu iyaga khusayn.

“Horta warqadda go’aanka waan aragnay, saxiixbna ma leh tiimbarana ma leh, waxaan aragnay iyadoo Social Media-yaha la wareejinayo oo la leeyahay waxaa soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka, haddii ay arrintaas jirto anaga waxaan u aragna arrin aan sharci aheyn dastuurkana aan waafaqsaneyn, anaga go’aankeena waa kaas,” ayuu yiri Axmed Buulle Maxamed Canjeex oo ka tirsan xildhibaanada laga soo doortay Garbahaarey oo la hadlay idaacadda BBC.

Go’aanka guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid lagu deg deg ah oo ay aheyd in la marsiiyo guddiga xalinta khilaafaadka ama uu baarlamanka sameeyo guddiga go’aanka kasoo saaro kiiskaan.

“Guddoomiyaha baarlamanka anaga waxaan isku heynay waxay aheyd sharci qoladii Ceelqaalow lagu soo doortay ee dalka Kenya iyo anaga oo kasoo baxnay Garbahaarey, waxay aheyd in guddi loo saaro kadibna la dhageysto doodda laba dhinac lana ogaado cidda sharciga ku taagan, waxaa kaloo furneyd in dooddan loo gudbiyo guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiyada kale ee Baarlamaanka, go’aakiisa wuxuu ahaa mid lagu deg degay,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Canjeex ayaa sheegay in xildhibaanada lagu soo doortay Garbahaarey ay yihiin kuwo sharci ku taagan oo maray dhammaan hab-raacyadii la dajiyey iyo heshiiskii 17-ka September.

“Anagana waxaan ku taaganahay sharci cid na xaqiri kartana ma jirto, waxaan ku taaganahay heshiiskii Soomaalida ay gaartay 17-ka bishii September, waxaaxna marnay habraacyadii loogu talagalay inuu xildhibaanka maro, doorashadeena waxaa goobjoog ka ahaa 13 xubin oo ka mid ah guddiga doorashada heer federaal, waxaana la ogyahay in guddiga doorashada ee Jubbaland in garoonka Kismaayo lagu celiyey iyagoo usoo socda Garbahaarey,” ayuu yiri Axmed Buulle Maxamed Canjeex.

Lama yaqaano sida ay tallaabada lagu ansixiyey kuraasta Ceelwaaq u saameyn doonto guud ahaan baarlamaanka gaar ahaan kulanka la filayo inay 15-ka bishaan ku doortaan madaxweyaha cusub ee Soomaaliya.