Dhameystirka dastuurka dalka maxaa hor-taagan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dastuurka dalka ayaa bishii May ee sanadkaan shaaciyay in ka hor sanadka 2019 si xoog leh looga shaqeyn doono Dhameystirka Dastuurka dalka.

Kadib madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa usoo jeediyay wasaaradda Dastuurka inay ka hor sanadka 2019 ka shaqeeyaan waxyaabaha Farsamada ah ee Dastuurka uu u baahan yahay.

Wasiirka Dastuurka dalka C/raxmaan Xoosh Jabriil, wuxuu sheegay in waqti ay qaadaneyso dhameystirka Dastuurka, laakiin hadda howlaha ugu badan ay soo qabteen.

Wasiir Xoosh Wuxuu sheegay in hadda la dhameeyay dib u eegista Shan cutub oo Dastuurka ka tirsan kuwaasi oo ah Cutubka koowaad ilaa midka Shanaad, haddana la bilaabi doono kuwa haray.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa door weyn ku yeeshay dib u dhaca ku yimid dib u eegista Dastuurka gaar ahaanna qodobada Siyaasadeed ee kala cadeynaya waxa dowladda dhexe leedahay iyo waxa dowlad goboleedyada leeyihiin.

Arinta Khilaafka ayuu sheegay inay tahay Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana uu sheegay in haddii laga gudbi lahaa mar hore gabo gabo uu ku dhawaan lahaa dastuurka.

Dastuurka ayaa waxaa uu aasaas u yahay doorashada dalka ka dhaceyso, maadaaa uu kala cadeynayo awoodaha, hanaanka loo codeynayo iyo Sharuucda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com