Roobow iyo laba musharax oo kale oo la rabo in laga reebo doorashada K/G iyo beeshiisa oo dhaaratay

Baydhabo (Caasimada Online) – Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo sheegayay in Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran lagu sarayo in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada maamulkaas.

Xubno ka tirsan Guddiga ayaa xaqiijiyay in Guddiga Caddaadis lagu saarayo in ay doorashada ka reebaan Musharaxiinta kala ah Xuseen Cismaan Xuseen talihii hore ee NISA, Aadan Saransoor iyo Sheekh Mukhtaar Roobow.

Dhammaan xubnahan ayaa waxaa kasoo horjeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waana taas sababta ay doorashada mar walba dib ugu dhaceyso, sida ay ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, dowladda federaalka ayaa si gaar ah uga cabsi qabto Mukhaatr Roobow iyo Xuseen Cusmaan, oo ay u aragto inay guul ka gaari karaan doorashada.

Dowladda federaalka ayaa waxaa ka go’an inay tallaabo kasta u qaaddo sidii ay ku xaqiijin lahayd in musharaxa ay wadato ee Cabdicasiis Lafta-gareen uusan la kulmin loolan ada, oo looga adkaan karo.

Dowladda ayaa la sheegay inay guddiga ku qasabtay in shuruudaha doorashada lagu soo daro qodobo la rumeysan yahay in Mukhtaar Roobow iyo xubnaha kale aysan buuxin karin, si ay doorashada uga haraan, taasi oo lagu gacan seeray.

Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa ka digay in arrintan ay abuuri karta xiisad siyaasadeed oo hogaamisa dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed, ayada oo beesha Leesaan ee uu kasoo jeeda Roobow, islamarkaana ah beesha ku xooggan Baydhaba ay wacad ku martay inaysan dhici doonin doorasho uusan qeyb ka ahayn Roobow.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com