Shirkadda Somali Airlines oo dib u shaqo bilaabeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Duulista Hawada ayaa xooga saartay sidii markale muddo 23 sano kadib loo shaqo gelin lahaa diyaaradii Somali Airlines oo Soomaaliya ay laheyd.

Qorshaha Socda ayaa u muuqda mid gabo gabo ku dhow, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda ay dib u bilowdaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee diyaaradaasi ay sameyn jirtay.

Warbaahinta Qaranka ayaa laga baahiyay in todobaadyada soo socdo diyaaradaasi ay dib u bilaabi doonto duulimaadyo toos ah, waxaana dalka Turkey uu doorweyn ku leeyahay dib usoo nooleynta diyaaradda Somali Airlines.

“WAR FARXAD LEH:- Todobaadyada soo socda waxaa si rasmi ah uga howlbilaabi doona garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho diyaaradihii ugu horeeyey ee 23sano kadib ku duula magaca Somali Airlines”

“Waxaana howsha lagu bilaabi doonaa laba diyaaradood oo noocyadoodu kala yihiin:- SAMair (9C, Bratislava) B737-400 iyo OM-SDA (msn 24438),,,,ALLOOW GUULLAHA NOO KORDHI” sidaasi ayaa lagu daabacay Barta Arrimaha bulshada ee Raadiyaha dowladda.

Dib usoo nooleynta Diyaaradda Somali Airlines ayaa kamid ah dadaalada dowladda Soomaaliya ay gelisay waqtiga badan, waxaana horey loogo guuleystay dib usoo celinta maamulka hawada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com