Muuqaal: Faysal Waraabe: Muuse ma joojin karo wada hadalka S/Land iyo Somalia

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee Ucid  Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadley wada hadalada maamulka Somaliland iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi uusan joojin karin wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, balse uu iska cadiifad hadlay, isagoo ugu janjabay in hadii uusan dadka la tashan laga tashan doono.

“Wadanka lagu wadimaayo caadifad ,haddaad dadka la tashan weydo waa lagaa tashanayaa Madaxweyne, wada hadaladuna go’aan qaran ayuu ahaaye mu ahayn mid qofeed, wuxuuna ku bilaabmay talo qaran oo golayaasha sharci dajintu ay ogolaadeen” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo ka hor magaalada Burco ka sheegay in uusan hor fariisanayn madaxda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka Feysal


Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com