Hoggaamiyaha Imaaraadka oo kiis maxkamadeed oo halis ah wajahaya (Aqri)

Paris (Caasimada Online) – Hay’ada u dooda xaquuqul Insaanka oo fadhigeedu yahay dalka France ayaa bilowday dacwad maxkamadeed ka dhan ah hogaamiyaha Imaaraatiga Amiir Mohammed bin Zayed al-Nahyan oo lagu eedeeyey danbiyada ka dhacay dalka Yemen.

Kooxda dacwada soo diyaariyey oo lagu magacabaa AIDL (The Alliance for the Defence of Rights and Freedoms) ayaa ka hadlaya dhibaatooyinka ka dhashay dagaalka ka socda Yemen oo ay ku jiraan duqeynta, jirdilka iyo gabadoo-falada kale ee ka dhanka ah shacabka Yemen.

Dacwada ayaa loo gudbiyey maxkamada magaalada Paris ee dalka France xili uu magaaladaasi booqanayo Amiirka Imaaraatiga.

Kiiskan ayaa waxaa ku lifaaqan warbixintii ay horey usoo diyaariyeen Guddiga khubarada ah ee Qaramada Midoobay u saartay baaritaanka danbiyada ka dhacay dalka Yemen, kuwaasi oo horey uga hadlay danbiyo badan oo ka dhacay xabsiyo ku yaal koonfurta Yemen oo ay maamulaan ciidamada Imaaraatia iyo maleeshiyaadka iyaga ka amar qaata.

Ururada Xaquuqul Insaanka ayaa sidan oo kale dacwad tan lamid ah uga gudbiyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan xili uu booqanayey dalka France.

Waxaa la filayaa in dacwadan dhageysigeeda ay qaadan doonto muddo sanad ah.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com