Maxay ka wada hadlayaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Erdogan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo maalmihii ugu dambeeyay Safar ku joogay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu magaalada Istanbul maanta  kula kulmo madaxweynaha Turkey Mr Erdogan, iyaga oo ka wada hadli doono taageerada Turkey ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Xiriirka Turkey iyo Soomaaliya ayaa mugdi u gali rabay kiiska Wariye Jamaal Kashoqji, kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ay soo saartay warsaxaafadeed lagu taageerayo Sacuudiga.

Arimahaasi ayay labada masuul ka wada hadli doonaan iyo isbadalka lagu sameeyay safiirkii Turkey ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyay madaxda dalka Talyaaniga oo muddooyinkaan uu wadahadalo kula lahaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

“Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com