Dhimashada qaraxii maanta oo korortay iyo sida dadka loogu qaybiyay isbitaallada

Muqdisho (Caasimadda Onliine) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa sida isbitaalada Magaalada Muqdisho loogu kala qaaday dadkii maanta ku waxyeeloobay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Wariyaal ka tirsan warbaahinada Muqdisho ayaa tagay qaar ka mid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho si loo ogaado khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa.

Inta badan maamulka iyo shaqaalaha Isbitaallada Muqdisho ayaa si wacan u qaabilay, xogna la wadaagay warbaahinta marka laga reebo maamulka isbitaalka Shaafi oo diiday iney sheegayaan dadka la soo gaarsiiyey,  kuna sheegay mid sir ah.

Ilaa hadda xogta aan heyno waa sidan:

  1. Isbitaal Madiina: Dhimasho waxaa ay noogu sheegeen ilaa 73 qof halka dhaawacu uu yahay 53 qof.
  2. Isbitaalka Kalkaal waxaa ay noo xaqiijiyeen in la soo gaarsiiyey ilaa 11 qof oo dhaawac ah.
  3. Isbitaalka Somali Sudanes: waxaa ay sheegeen in la keenay hal meyd ah iyo 19 qof oo dhaawac ah, oo 4 halis tahay.
  4. Dhankooda Isbitaalka Digfeer waxaa ay sheegeen in la keenay 4 Dhimasho iyo 37 dhaawac.
  5. Isbitaalka Daarul Shifa waxaa ay xaqiijiyeen ilaa 5 dhaawac in la gaarsiiyey.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo aan la geyn isbitaallada, ama aan la ogeyn. Inkasta oo weli lasii wado baarista khasaaraha laakin si horudhac waxaan ogaannay in tirada dhimashadu ay gaartay 79 qof  iyo dhaawaca oo ah 125 qof.

Waxaa  kale oo jira khasaare maaliyadeed oo ka dhashay goobta iyadana waxaan ku soo gudbin-doonnaa wararka dambe.

Dadka ugu badan ee khasaaraha soo gaaray waa arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana tirada ardaydaas lagu sheegay illaa sodomeeyo ruux.

Sidoo kale waxaa dadka dhintay ku jira Engineero u dhashay dalka Turkiga iyo Ciidamo Boolis ah oo goob ku dhow Isgoyska uu qaraxa ka dhacay ku lahaa xarun canshuuraha lagu qaado.

Si kastaba,  ha ahaatee qaraxa ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa la qiyaasayaa inuu la mid noqon karo kii ka dhacay Isgoyska Zoobe, marka loo eego xajmiga qaraxa goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul badan.