TURKEY oo xaqiijisay inay muwaadiniin uga dhinteen qaraxii maanta ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online)  – Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in muwaadiniin Turki ah lagu dilay qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Ex. Kontrol Afgooye.

Safiirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho Mehmet Yılmaz ayaa xaqiijiyey in laba qof oo Turki ah ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay kasoo xigteen warbaahinta Turkiga, iyadoo aan magacyadooda la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in Weerarka loola dan lahaa Injineero Turki ah oo ku howlahaa dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, markii gaari weyn oo qarax siday lagu dhuftay gaari nooca aan xabbada karin ah oo ay wateen, kaasoo qaraxa ku burburay, waxaana la dhintay ilaaladooda.

Labadan Muwaadin u dhashay Turkiga ayaa ahaa Engineero ka tirsanaa Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo qaadatay qandaraaska dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa Mid xooggan, waxaana ku dhintay ku dhawaad 80 ruux sidda ay sheegeen goobaha Caafimaadka iyo saraakiisha Booliska.

Dadka ugu badan ee khasaaraha soo gaaray waa arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana tirada ardaydaas lagu sheegay illaa sodomeeyo ruux.

Si kastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa la qiyaasayaa inuu la mid noqon karo kii ka dhacay Isgoyska Zoobe, marka loo eego xajmiga qaraxa goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul badan.