Dhimasho ka dhalatay qarax lagu weeraray shaqaalaha shirkadda Hormuud

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa khasaare ka dhasgay qarax lala beegsaday gaari Hilux ah oo ay leedahay Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Qaraxaas wuxuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay gaari ay leedahay Shirkada Hormuud oo marayey deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wuxuu dhacay gabadhicii shalay, waxaana xalay dhaawac ka soo gaaray u geeriyooday Axmed Cumar Cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda Hormuud, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Shirkadda Hormuud ayaa wajaheysa weerarro aan ilaa hadda la shaacin cidda u geysata, xarumo badan ayaa shirkadda qaraxyo looga burburiyey bilihii iyo todobaadyadii la soo dhaafay.

Laamihii iibka ee shirkaddu ay ku kala laheed Xero-Jarmal (Xaruntii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha Biyaha  ayaa qaraxyo lagu burburiyey.

Weerarrada lagu qaaday xarumihii shirkadaas ayaa inta badan la fuliyo xiliyo habeen ah, waxaana ilaa hadda la garan cidda geysata, waxaana intooda badan ku burburtay hanti oo waxaa yaraa khasaaraha nafeed.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaan weli kama aysan hadlin weerarrada ku socda xuramaha shirkadda, mana jirto cid sheegatay masuuliyadooda.

Sidoo kale ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dhammaan wixii weerarro loo geystay Hormuud, waxaana xusid mudan in amniga Muqdisho uu soo hagaagay oo ciidamo badan laga howlgeliyey.

Sidoo kale Shirkadaan waxay leedahay ciidamo gaar ah oo waardiye ka haya xarumaheeda, balse waxaan ilaa hadda lama garan sababta aan loo soo qaban cidda qaraxisa.