Waa maxay daynta laga cafiyey Soomaaliya? – Maxaase loo isticmaalay markii hore?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dayntaan inteeda badan waxaa lasoo daynsaday waqtigii dowladdii kacaanka, waxaana lagu dhisay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera, dekedda, garoonka diyaaradaha iyo warshadda hilibka lo’da ee Kismaayo ku ooli-jirtay. Hub 1977 lasoo gatay iyo lacag Bankiga Dhexe Raashka u taalay oo uusan dib-danbe u arag. Waxaa kaloo ku korortay dulsaar xad-dhaaf ah oo aan muddo la bixin.

Hadda waxaa la cafiyey $4.5 bilyan, waxaana dhiman $650 milyan oo la rabo inay Soomaaliya iska bixiso sanadaha soo socda.

Haddaba, maxaa faa’iido u ah Soomaaliya, haddii dayntii intii badnayd laga dhaafay? Saamayn intee le’eg bayna ku yeelanaysaa?

Hadda, Soomaaliya waxay weydiisan kartaa in lacag la amaahiyo, laakiin shuruudo adag baa horyaalla, kuwaas oo ah in Soomaaliya caddeyso waxay ku qabanayso, sida loo bixinaayo ama loo soo-celinayo iyo waqtiga. Haddii ay u arkaan dayn-bixiyayaashu mashruucaasu inuusan isbixin karin, faa’iidana lahayn, waa diidi karaan.

Saamaynta ugu weyn ee daymaha la cafiyey waa iyadoo ay yaraanayso lacagtii aan daynta ahayn ee Soomaaliya lagu taageeri jirey ama lagu kabi jiray. Waxaa kaloo dhici kara in si khaldan oo musuq-maasuqa ah wax loogu sheego dayn-bixiyayaasha, dabadeedna wax kale loo isticmaalo lacagtaas, qaantaasna dadka Soomaaliyeed oo dhanna dusha ka fuusho.

Dadka Soomaaliyeed waa dad Islaam ah 100%, laakiin dunida looga aqoonsan yahay dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka oo idil ama wax is-daba maristu ku badan tahay.

Mas’uuliyiinka Soomaaliya hoggaaminaya waxaa looga fadhiyaa siday u maareeyaan mas’uuliyaddan culus, adduunkoodana ay tan aakhiro ka doortaan.

W/Q: Mahamud Jama Farah
Mahamudjfarah@gmail.com