Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo labadii maalin ee lasoo dhaafay dagaal qabaa’ileed ay ka dhacayeen degmada Guriceel ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay socdaan dadaalo iyo nadeynta dhinacyadii dagaalamay.
Waxaa shalay magaalada Gaaray wafdi ugaasyo ah iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Galgaduud, si loo dhameeyo dagaalada kasoo cusboonaaday degmada Guriceel.
Waxaa sidoo kale maanta degmada tagay madaxweynihii hore ee Galmudug iyo Nabadoon C/raxmaan Geedi Shadoor, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaatay dhinacyadii dagaalamay.
Waxay ugu horeyn la kulmeen saraakiisha ciidamada dowlada oo ku sugan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxayna ka dalbadeen inay xabada joojiyaan, weyna ogolaadeen.
Sidoo kale waxgaradka ayaa la kulmay dhinaca Ahlu sunna oo ku sugan bartamaha degmada, waxayna dhankooda ogolaadeen in marka hore la joojiyo xabada iyo dagaalkaba.
Waxgaradkaan ayaa ka tagay degmada Dhuusomareeb oo ay kaga qeyb galayeen shirka nabadeynta beelaha daga gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in maalinta beri ah hishiis buuxa ay kala dhex dhigaan dhinacyada dagaalamay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]