DHUL-GARIIR labaad oo ku dhuftay dalka TURKIGA iyo wararkii ugu dambeeyay

Ankara (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dhul-gariir labaad oo markale ku dhuftay dalka Turkiga, waxaana haatan kooxaha gurmadka ay baadi goobayaan dadka ku hoos jira dhismooyinka ku burburay dhul-garirka ka dhacay dalkaasi.

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 6.4 iyo 5.8 ayaa ku dhuftay koofur-bari oo u dhow xadka Suuriya, halkaas oo lixdii bishan ay ku dhufteen labo dhulgariir oo labadaba dalba saameeyay.

Dhulgariiradii hore ayaa 44,000 oo qof ku dilay Turkiga iyo Suuriya iyadoo tobnaan kun oo kalena ay hoy la’aan noqdeen.

Dhismooyinbka ay hore u jilciyeen dhulgariirrada ee labada dal ayaa dumay.

Hay’adda musiibada iyo arrimaha degdegga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay dalkaas abbaaro 20:04 xilliga dalkaas (17:04 GMT), waxaana saddex daqiiqo kaddib xigay mid kale oo lagu qiyaasa 5.8.

Saddexda dhimasho ayaa ka dhacday Antakya, Defne, iyo Samandag, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Süleyman Soylu, isagoo dadka ugu baaqay inaysan gelin dhismooyinka khatarta ku jira.

Soylu ayaa sheegay in 213 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

Musiibadan labaad ayaa timid maalin ka dib markii ay hayadda musiibooyinka ee Turkiga ku dhawaaqday in lasoo afjaray howlihii gurmadka ee ka socday dalkaas marka laga reebo labo gobol.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa si aan kala joogsi lahayn u shaqeynayay labadii isbuuc ee lasoo dhaafay iyagoo burburka hoostiisa kasoo saaray dad saacado badan ku xannibnaa dhul gariirka ka dib.

Si kastaba, inta uusan imaan dhul-gariirka labaad waxaa raadinta dadka laga waday gobollada Kahramanmaras iyo Hatay, sida uu sheegay madaxa hayadda qaran ee musiibooyinka.