Xarardheere oo bandow la saaray – Maxaa soo kordhay?

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in degmada lagu soo rogay bandow, kadib kulan ay yeesheen saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

Kulankan ay yeesheen saraakiisha amniga ayaa waxaa lagu go’aamiyay in habeenkii laga bilaabo lixda fiidnimo illaa waaberiga la joojiyay dhamaan isku socodka iyo dhaq-dhaqaaqyada bulshada.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada ku sugan gudaha degmada lagu amray inay ka baxaan oo ay ku laabtaan xeryahooda, marka laga reebo kuwa sida gaar ah ugu xil-saaran sugida amniga.

Saraakiisha amniga ee Xarardheere ayaa waxa kale oo ay go’aamiyeen in dadka kusoo laabanay degmada ee horay uga barakacay ama raacay kooxda Al-Shabaab inay soo maraan saldhiga booliska kahor inta aysan usoo gudbin gudaha degmada, si loo marsiiyo baaritaan amni.

Arrimahan ayaa looga dan leeyahay sidii loo xoojin lahaa amniga Xarardheere oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo ay marin muhiim ah u aheyd howlahooda argagixiso,

Tallaabooyinkan ay qaadeen saraakiisha amniga ayaa sidoo kale looga hortagaya weeraro gaadmo ah oo kooxda ay kusoo qaado degmada, si kal hore ka dhacday deegaano muhiim ah oo laga qabsaday.

Si kastaba, tan iyo markii uu dagaalka Al-Shabaab ka billowday deegaanada maamulka Galmudug, waxaa kooxda gacantooda ka baxay laba kamid ah saddexdii magaalo ee ugu waaweyna ee ay Galmudug ka haysatay waa Xarardheere iyo Ceeldheer.