Hanti-dhowrka cusub ee qaranka oo shaaciyay shan QODOB oo hor-tebin u leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo gelinkii dambe ee shalay xilka kala wareegay Hanti-dhowrihii hore Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa shaaciyay arrimaha xafiiskiisa hor-tebinta u leh.

Munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhacday Madaxtooyda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha Bangiga dhexe, qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda, xildhibaannada labada Aqal iyo masuuliyiin kale.

Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo khudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa waxa uu ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono inta uu joogo horumarinta xafiiska hanti-dhowrka.

“Alle-na waxa aan weydiisanayaa in uu i waafajiyo in aan si daacadnimo iyo ammaano leh ayna kujirto danta dalka, dadka iyo diinta,” ayuu yiri Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka.

Mudane Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay shan qodob oo muhiimaad gaar ah uu siin doono, taasi oo kor u qaadi doonto shaqada uu xafiiskan u hayo Qaranka, kuwaasi oo kala ah;

  1. Dhameystirka howlaha qabyada ka ah XHGQ sida dhammeystirka xeerka xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo habraacyada baarista iyo korjoogteynta
  2. Hirgelinta Nidaam daahfuran oo shaqo kaas oo xafiisku ku guto waajibaadkiisa, islamarkaana ay mas’uuliyiinta dowladda, shaqo wadaagga iyo shaqaaluhu ogyihiin una tababaran yihiin.
  3. Hirgelinta tababar quseeya howlaha xafiiska iyo sida uu u gudanayo waajibkiisa, kaasi oo xafiisku siinayo agaasimeyaasha guud, maareeyeyaasha agaasime-waaxeedyada iyo baarayaasha gudaha ee wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dowladda
  4. Dhisidda iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera kabka miisaaniyadda, mashaariicda iyo hannaanka deyn cafinta
  5. In Laga billaabo aniga iyo shaqaalaha xafiiskuba aan raacno habraac anshax iyo howlgal oo aan tusaale u noqono xaqiijin,  daah-Furnaan isla-xisaabtan, ammaano iyo dhex-dhexaadnimo

Golaha Wasiirada ayaa 9-kii bishaan Guutaale u magacaabay Hanti-dhowraha cusub, kaasi oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu horay u soo noqday La-taliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare, wuxuuna sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxali ah.