Dhul Soomaaliyeed oo calankii Itoobiya uu si hor leh ugu sii fidayo

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Sida la wada ogyahay wax badan ayay colaadi soo dhextiil labadaan dal ee deriska ah (Soomaaliya iyo Itoobiya) dagaallo badanna ay ka soo dhex dhaceen, kuwo siyaasadeed iyo kuwo toos ahba, iyadoo ay sababta u weynna ahayd marwalba gardarro iyo damaaci aan sharci ahayn oo ka imaanayey dhanka Itoobiya oo garab ka helaysey gumaystaha reer galbeed, iyo soomaali oo diiddanayd inay gardarradaas iyo aabigaas aqbasho oo gorodda u laallaadiso. Itoobiya shaqo kuma lahayn dhulka iyo dadka soomaaliyeed oo ay maanta haysato oo sheeganayso khariidaddeedana kuma jirin, wixii ka horreeyey 1940-naadkii, xilligaas oo ahaa markii ay Ingiriiska iyo Maraykanku sida xaqdarrada iyo dulmiga ah ugu gacan geliyeen, dhulkaas iyo dadkaas aan waxba ka gelin.

Haddaba haddii ay run tahay wararka ka soo baxayey dawladda Itoobiya labaatan iyo dhawrkii sano ee u danbeeyey oo ay qalabkeeda warbaahinta ka sii deynaysey, ahaana inay dhalatay wax la yiraahdo Itoobiyada cusub oo ka baddalan tii hore; haddii ay sidaasu jirto oo dhab ahaan ay timid Itoobiya aan cadowtooyo iyo dhibaato rumaysnayn ee walaalnimo iyo saaxiibtinnimo diyaar u ah iyo in loo gudbo iskaashi iyo wax wadaqabsi dhexmara labadaan waddan ee deriska ah; waxaan shaki ku jirin inay markaas taasu faa’iido weyn iyo guul u noqon lahayd labada dal iyo labada ummadoodba, isla markaasna ahaan lahayd wax lagu farxo iyo naallo iyo rajo ay wada higsadaan labada dhinac. Laakiin su’aashu waxay tahay taas ma laga hayaa Itoobiyada cusub ee dhalatay, oo ficilkeedii ma ay muujisay af mooyee, muddadaas rubuc qarniga gaareysa?

Waa jirtaa oo been ma aha in hoggaamiyihii Itoobiya ee geeriyoodey (Meles Zinawi) uu ahaa nin soomaalida guud ahaan uga carrab dabacsanaa Mingiste iyo kuwii ka horreeyeyba, iyo inuu qaxootigeeda Addis ababa dhooban uga naxariis iyo xurmo roonaa; laakiin haddana waxaa iyaduna taas barbar tiil in Meles lagu eedaynayey inuu isagu uga khatar weynaa Soomaaliya Mingiste, oo la leeyahay waxay labadoodu kala ahaayeen dhurwaa soo ciyey iyo dhurwaa aammusan.

Meles Zinawi oo dhab ahaan anigu shakhsiyan aan ka mid ahay dadka qaba inuu ahaa geesi weyn oo Afrika ka soo baxay, ahaana mufakir aragti dheer oo fiilasoof ah, sidaas darteedna aan tuhunsanahay inay reer galbeed taas awgeed si qarsoon ugu dileen oo sumeeyeen, Afrikana halkaas ku weydey shakhsi muhiim u ahaa qaaradda oo dhan. Meles oo ay sidaas u arkayeen dad badani, haddana waxa ay isweydiintu noqonaysaa muxuu uga faa’iideeyey fakarkiisii iyo fiiro-dheeridiisii xiriirkii labadaan dal iyo iskaashigii iyo kalsooni abuuriddii ay u baahnaayeen oo uu weliba isagu ku baaqay oo ku dhawaaqay markii uu xukunka qabtay? Muxuuse ka qabtay dhibaatadii soo jireenka ahayd ee labada waddan soo dhextiil iyo colaadihii, khilaafkii iyo wixii la isku hayey?

Meles oo ay Soomaaliya abaal weyn ku lahayd soo saariddiisii iyo wax noqoshadiisiiba isaga iyo intii ay isku hadafka ahaayeen, muxuu ugu abaalguday markii uu isagiina guulaystey oo xukunkii Itoobiya qabtay, iyadiina ay burburtay oo ay maalintaas hiilkiisa iyo abaalgudkiisaba u baahnayd? Eretariya waa uu u oofiyey heshiiskii iyo axdigii ay horay isugu ogaayeen oo ahaa in haddii ay guulaystaan uu xornimadooda oggolaanayo oo siinayo; laakiin taas baddalkeedii muxuu noqday mawqifkii uu Meles Soomaaliya ka qaatay iyo soomaalidii gacanta Itoobiya ku jirteyba, tallaabooyinkii uu xaggooda ku dhaqaaqayse maxay noqdeen?

Waxay noqdeen inuu soo hormariyey oo isla markiiba bilaabay inuu Itoobiyana dhiso isagoo xeerinaya guusheeda, soomaalidii ku hoos noolaydna muddo dheer cadaadiyo oo xornimadoodii ka horistaago, inkastoo uu si qoraal uun ah dastuuri uga dhigay inuu afti u oggol yahay ay xornimo ku gaaraan. Soomaaliyadii kale oo isaga taageeri jirtayna wuxuu iyadana kula dhaqaaqay inuu ku hubeeyo hoggaamiye kooxeedyo isaga maqla oo kac-fariiso uu leeyahay, una diro marwalba rasaas iyo madaafiic uu ogyahay inay ku burburinayaan dalkii iyo dadkii isaga soo hayey oo waxbaray, kuna baabbi’inayaan.

Sidaas ayuu yeelay Meles halkii looga fadhiyey inuu noqdo nin labada dalba wax u tara, xagga walaalayntooda iyo heshiisiintooda iyo xagga horumarintooda iyo gudashada abaalkii lagu tirsanayeyba, loona aayo fiilasoofnimadiisa iyo fikirkiisa dheer. Halkii taas laga eegayey iyo inuu Soomaaliya kala xiriiro dadkeeda aqoonta iyo fiirada dheer leh oo heerkoodu gaarsiisan yahay ka fakarka aayaha ummadaha iyo masiirka fog, ayuu malaha wuxuu doorbiday bal in marka hore Soomaaliya la liciifiyo oo qabqablayaasha lagu jilciyo, si waagii danbe oo wadahadal la isugu yimaado loola kulmo iyadoo nugul oo gacan hoose ah, waxa ka maqan iyo dhibta ay qabtana aan gorgortan adag ka geli karin; mindhaa Jennaraal Gabrena shaqada uu Soomaaliya ka hayey waayadaan danbe taas ayay ka mid ahayd oo dhadhankeeda iyo macnaheeda lahayd.

Wax ay noqotaba Meles Zinawi fakarkiisii iyo aragti dheeridiisii iyo abaalkii loo galay toonna midna soomaali uguma uu hiillin, tii soo taageertay iyo tii la joogtay isaga oo gacantiisa ku jirteyba, kamana uu tegin dhaxal weyn oo lagu xasuusto oo labada dal iyo labada ummadood ay u aayaan. Ma ay abuurin isaga iyo maamulkiisii, kalsooni labada shacab isu gasha, iskumana xirin labada ummadood, waxna uma kala gurin, boogihii iyo dhaawacyadii horay u jireyna ma uu daaweyn, runna kama dhigin baaqyadii iyo dhawaaqiisii ahaa inay dhalatay Itoobiyo cusub oo calool xaaran, nabad iyo wanaag ka talisna ah, tii horena ka duwan.

Haddiise loo doobdoono ama loo qareemo Meles oo la difaacayo, waa la oran karaa arrintaas waa uu rabey iyo inuu wax hagaajiyo oo labada dal uu wanaaggooda ka shaqeeyo, ee cimrigii baan ugu simin oo tii Allaa u timid oo ku soo degdegtay, isaguna mindhaa taas xisaabta kuma uu darsan oo malaha wuxuu tirsanayey inuu yahay nin dhallinyaro ah oo wakhti haysta, waxna uu wanaajin doono; laakiin haddii ay sidaas tahay oo ay jaallayaashiisii dalka la xukumey taas qabaan, waxaa markaas iyaga laga doonayaa inay dhammaystiraan wanaaggii uu hoggaamiyahoodii damacsanaa wakhtigase uusan u helin.

Midda ah iyaduna inay Itoobiya Soomaaliya caawisay/caawinayso, ciidammadeedii iyo wiilasheedii qaaliga ahaana u soo dirtay, naftoodiina ay u hurayaan oo u dhimanayaan sidii ay noola xasilin lahaayeen dalkayaga, nidaamka iyo kala danbayntana noola soo celin lahaayeen, iyagoo gacan ka geysanaya inay Soomaaliya mar kale cagaheeda dib isugu taagto; arrinta sidaas ahi dhab ahaantii waxay noqon lahayd -haddii aan shaki iyo wax kale jirin- wax wanaagsan oo laga abaalgudo, iyo sidii la arki jirey oo dal walaal ahi uu dal kale oo walaalkiis ah u caawin jirey; laakiin sida ay soomaaliduba ku maahmaahdo marka ay leedahay “Quraan oo dhan kufu’an baa isku fuuqsatay”, ayaa si la mid ah arrintaas waxaa isku fuuqsatay su’aasha oranaysa: Itoobiya ciidammadeeda ay noo soo dirtay ma inay nagu qabsato bay rabtaa mise inay wax nala qabato?????

Haddaba maamulayaasha Itoobiya ee hadda jira waxaa la gudboon inay la yimaadaan aragti iyo afcaal wanaag iyo niyadsami laga dheehan karo, shakigaas jira oo laga qabana lagaga dawoobi karo, ee ma aha inay muujiyaan dhaqankii jennaraal Gabre-hoodii uu arlada la joogey oo kale, iyo wixii uu shalay nagu samaynayey wasiirkoodii dibaddu (Siyu Misfin) wax la mid ah. Ma aha inay sii wadaan inay nabarradii hore ee jirey cusbo iyo basbaas sii mariyaan; iyagoo marwalba dhulkii Soomaaliyeedna si hor leh calammo uga sii mudanaya oo isku sii fidinaya, maalin walbana deegaan hor leh sii dhexgalaya oo calan cusub ka sii taaganaya. Taasu wax kale tarimayso ee waxay sii badinaysaa uun kalsooni-xumadii sootiilka ahayd iyo shakigii iyo cuqdaddii la kala qabey oo in la daweeyo loo baahnaa.

Xukuumadda hadda jirta ee Soomaaliya iyo madaxweyne M. C/laahi Farmaajo oo aad loogu han weyn yahayna waxaa laga rabaa iyagana inay u taagnaadaan ilaalinta sharafka iyo karaamada dalka, oo aysan ninna uga xishoon ugana haybaysan difaacidda xudduudaha dalka iyo ka hortagga xadgudubyada iyo marinxumada lagula kacayo, bad iyo berri iyo hawo, jaho kasta oo ay noqotaba. Maamulka Buntilaan madaxda ka ahna si gaar ah waxaan u leeyahay, kala duwa saaxiibtinnimada cid lala yeelanayo iyo qarannimada iyo madax-bannaanida dalka. Ma aha inaad ka indho-laabataan iyadoo dhulkii aad ummadda soomaaliyeed masuulka uga ahaydeen ay maalin walba qaybo ka mid ah dawlado shisheeye deegaammadiisii calammo hor leh ka sii mudanayaan oo ku sii faafayaan.

Matalan degmada Burtinle degaankii ay degmada ballaaran ku ahayd oo hoos imaanayey, dhulka soomaaliyeedna ahaa, kala bar in ka badan waxaa hadda ka dul babbanaya calankii Itoobiya, iyadoo ku magacaabatay dhulkaas Itoobiyada cusub, sidii wax hadda la helay oo kale, taasna waxaa markhaatigeeda oo cad furaya oo laga helayaa dadka deegaankaas ku nool iyo waxgaradkooda, iyo siyaabaha aan munaasibka ahayn oo loola dhaqmay dadkaas, oo kuwii calammadaas watey ay ku sameeyeen.  

Cabdirisaaq Cabdi Daad

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII