Dibadbax ka dhan ah shirkii Dhuusamareeb lagu soo xiray oo ka dhacay Cadaado

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Banaanbaxan oo ahaa mid ballaaran, islamarkaana looga soo horjeeday shirkii dib u heshiisiinta ee xalay lagu soo gabagabeeyey Dhuusamareeb ayaa saaka ka dhacay gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduuud.

Dibadbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Caaasimada Online ayaa dowladda dhexe ka dalbaday in ay cadeyso maqaamka magaalada Cadaado, maadaama shirkii dib u heshiisinta lagu qabtay Dhuusareeb, sidoo kalena doorashada ay ka dhaceyso gudaha magaladaasi.

Shalay odayaasha beesha Cadaado oo kulan yeeshay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu fuliyo ballamihii uu la galay 21-kii Maarso ee 2018-kii oo kala ahaa:

1 – In uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in xarunta baarlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado.
2 – In doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado.

Banaanbaxa maanta ka dhacay Cadaado ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in loo gudbay wejiga labaad ee dhismaha Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com