SACIID DENI oo ka digay qorshe ay damacsan yihiin madaxda DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la filayo in ay dhacaan 2020, illaa 2021-ka

Ugu horreyn Deni ayaa ka digay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sameystaan muddo kororsi aan lagu heshiin.

Waxa kale uu sheegay haddii ay dhacdo arrintaasi in ay dalka u horseedeyso dib u dhac, sida uu hadalka u dhigay.

“Labo sano iyo badh kaddib ma hayno hannaan doorasho, waase rajeynaynaa, dalku waqti kororsi kama bixi karo, Soomaalidu waxa keliya ee haatan ay heshiis ku tahay waa in afartii sanoba mar doorasho dhacdo ilaa burburkii”. ayuu yidhi Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda dhexe ay waajib ku tahay in waqtigii loo asteeyey ay ku qabato doorashooyinkasi.

Dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsan golaha shacabka uu shaaciyey in baarlamaaka uu doonayo muddo kororsi, waxaana uu xusay in arrintaasi oo mar marsiiyo looga dhigayo arrimo amni uu ka shaqeynayo guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka.

Doorashada 2020-ka oo lagu heshiiyey inay noqoto qof iyo cod ayaa haatan waxaan muuqan dadaalkii loo baahnaa, si loo qabto doorashadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com